Black X: Maxay yihiin maafiyada ka dhisan Afrika ee xitaa booliska adduunka aysan joojin karin? - BBC News Somali (2024)

Black X: Maxay yihiin maafiyada ka dhisan Afrika ee xitaa booliska adduunka aysan joojin karin? - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, .

Booliiska wadamada kala duwan ee caalamka ayaa bilaabay howlgallo qarsoodi ah oo ka dhan ah koox dambiilayaal ah oo ku sugan Galbeedka Afrika, iyadoo bilihii April iyo May ee sanadkan ay dhaceen falal ka dhan ah kooxda Black X oo laga fuliyay 21 wadan oo caalamka ah.

Hawlgalladaan oo loogu magac daray ‘Operation Jackal 3’, oo ay kormeerayaan booliska caalamiga ah ee Interpol, ayaa ilaa iyo hadda lagu soo qabtay in ka badan 300 oo qof.

Sida laga soo xigtay Interpol, kooxdaan geysata danbiyada abaabulan ayaa lagu tilmaamay ‘burcad khatar caalami ah wadata’ kuwaas oo isticmaala awoodda tiknoolajiyadda.

Tomonobu Kaya, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Interpol's Crime Financial Crime and Anti-Corruption Center, ayaa BBC-da u sheegay sidaan: 'Aad bay u habaysan yihiin.'

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta dalka Canada, sannadkii 2017, waxaa gacanta lagu dhigay qorshe ay kooxdaan fulinayeen oo ah dhaqista lacagta waxaana lagu qiyaasay lacag ka badan shan bilyan oo doolar.

Warbixin ay soo saartay Interpol sanadkii 2022, ayaa lagu sheegay in Black X iyo kooxaha la midka ah ay mas'uul ka yihiin inta badan dambiyada dhanka internet-ka kuwaas oo saameeya dhaqaalaha adduunka.

"Cryptocurrencies, oo kamid ah lacagaha casriga ah ee wax lagu kala iibsado ayaa kooxahaan wax u fududeeya ," ayuu yiri Kaya.

Hawlgalka Jackal 3 oo la diyaariyay muddo dhowr sano ah ka hor ayaa suurtagaliyay in lagu soo xiro ilaa sadax boqol oo qof, waxaana sidoo kale lala wareegay hanti lagu sharci darro ahayd oo qiimaheedu dhanyahay saddax milyan oo dollar, sidoo kale waxaa la xiray in ka badan todobo boqol oo akoonada bangiyada ah.

Waa maxay Black X?

Black X: Maxay yihiin maafiyada ka dhisan Afrika ee xitaa booliska adduunka aysan joojin karin? - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, INTERPOL

Inta badan xubnaha ka tirsan kooxda Black X ayaa la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro jaamacado ka soo baxay, waxa ayna qaarkood xubin noqdeen iyaga oo wali waxbarashada ku jira.

Ururkaan ayaa ah mid u shaqeeya si qarsoodi ah waxa ayna caan ka yihiin caalamka oo dhan, iyadoona shaqadooda lagu sheegay in ay tahay dil, lacag dhicis, iibinta dumarka jirkooda ka ganacsada iyo afduubka dadka.

Dalka Nigeria, kooxda Black X, waxa ay u dagaalamaan sidii ay uga sareyn lahaayeen kooxaha kale ee dalkaas ka jira oo ay ka mid yihiimn 'A', 'Buccaneers', 'Miffites' iyo 'Burcad-badeed'.

Sida lagu sheegay warbixin ay BBC-du soo saartay, xubnaha qaar ee kooxda ayaa la socda inta qof ee ay ka dilaan kooxaha kale ee ka soo horjeeda, iyo goobaha ay ka fuliyaan dilalka.

Isha ugu weyn ee dakhliga ay ka helaan ayaa ah weerarada dhanka internet-ka, waxa ayna ku bartilmaameedsadaan shakhsiyaadka hantiilayaasha ah iyo ganacsiyada waaweyn.

Tan iyo sanadkii 2022, booliiska oo fulinaya howlgalka 'Jackal' ayaa dhowr jeer weeraray ururkaan.

Muxuu yahay Hawlgalka Jackal 3?

Tobaneeyo qof oo ka tirsan Black X ayaa la xiray, waxaana la qabtay qalabkii elegtarooniga ahaa ee ay wateen intii ay socdeen howlgallada caalamiga ah.

Booliiska caalamiga ah ee Interpol oo kaashanaya howlgalkaan ayaa ku guuleystay in uu helo xogo ku saabsan kooxda, waxaana sidoo kale baaritaanada xogahaan fursad loo siiyay booliiska 196 dowladood oo xubno ka ah howlgaladaan.

Sargaalka sare ee ka tirsan Interpol waxa uu yiri:, 'Waxaa loo baahan yahay in la isu keeno dhammaan xogta iyo macluumaadka dalalka kale lana fahmo qaabka ay u shaqeeyaan burcaddaan.'

Hawlgalka Jackal ayaa ka bilowday Ireland halkaas oo lagu soo qabqabtay dhowr xubnood oo ka tirsan Black X sanadkii 2020, waxaana xilligaas la muujiyay baaxadda kooxda.

Michael Cryan oo ka tirsan booliiska Ireland ayaa yidhi, 'Dadkani si qarsoodi ah ayay u shaqaynayeen, laakiin lacagta Ireland laga soo xaday aad bay u badnayd.' Bilayska maxalliga ah ayaa aqoonsaday 1,000 qof oo lala xiriirinayo Black X ilaa iyo hadda boqolaal ayaa la xiray iyaga oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo dambiyo dhanka internetka ah.

Michael Cryan ayaa intaa hadalka ku daray in shantii sano ee la soo dhaafay dalka Ireland laga xaday lacag dhan 200 oo milyan oo yuuro, balse waxa u uku qiyaasay in boqolkiiba 20 oo kaliya la soo sheegay.

Bishii Nofembar 2023, booliiska Ireland ayaa shaaca ka qaaday in lacag badan oo la dhaqay lagu kala wareejistay habka casriga ah ee cryptocurrency, kooxda BlacX ayaana sidaas fulisay, wallow hal howlgal lagu qabtay hanti qiimaheedu ka badanyahay hal milyan oo Yuuro oo cryptocurrency ah.

Maxay aad ugu adag tahay in Black X meesha laga saaro?

Black X: Maxay yihiin maafiyada ka dhisan Afrika ee xitaa booliska adduunka aysan joojin karin? - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, INTERPOL

In kasta oo ay jiraan dadaallo caalami ah, khubarada qaar ayaa aaminsan in tallaabooyinkaan aysan ku filneyn wax ka qabashada kooxaha dambiyada abaabulan ee Galbeedka Afrika.

"Waxa loo baahan yahay waa sida looga fogaado kooxahaan," ayuu yiri Dr Alowele Ojiwale, oo ah isuduwaha Gobolka Galbeedka Afrika ee Macadka Daraasaadka Amniga.

Waxaa xusid mudan in Nigeria, oo toddobaadyadii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dibadbaxyo dhowr ah oo looga soo horjeedo musuqmaasuqa, ay tahay mid ka mid ah waddamada ugu dhaqaalaha badan Afrika. Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, in ka badan 80 milyan oo qof oo dalkaas ku nool ayaa ku nool meel ka hooseysa heerka faqriga. Taasina waa sababta aysan ugu adkayn kooxaha sida Black X inay ka guuleystaan qof kasta.

Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa sheegay in saraakiisha Nigeria iyo booliiska la tababaro, balse eedeymaha musuqmaasuqa iyo sidoo kale xiriirka ka dhexeeya saraakiisha maxalliga ah iyo burcadda Black X ayaa ah caqabad weyn.

“Siyaasiyiintu waxay taageeraan wiilashan, dowlad la’aanta dalka ka jirta ayaana fududeysay in dadka ay ku biiraan burcadda,” ayuu yiri Dr. Ojiwale.

Dhanka kale Interpol waxay sidoo kale bilowday adeegsiga tignoolajiyada casriga ah waxayna soo bandhigtay nidaam loo yaqaan 'Global Rapid Intervention of Payments System'.

Nidaamku wuxuu u oggolaanayaa waddamada xubnaha ka ah Interpol inay si degdeg ah u xayiraan xisaabaadka bangiyada, nidaamkaan ayaa dhawaan ka caawiyay ka hortagga 40 milyan oo doolar, oo laga dhici rabay ganacsi ku yaala Singapore bishii hore.

Kaya oo tirsan booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa yiri, 'Farsamadaan awgeed, aad uma fududaan doonto dambiilayaasha inay lacag ka gudbiyaan xuduudaha.

Dhanka kale waxaa weli socda dadaallo lagu uruurinayo macluumaadka ka dhanka ah kooxaha ku lugta leh dambiyada ka imaanaya Afrika, oo ay kamid yihiin Black X.

Black X: Maxay yihiin maafiyada ka dhisan Afrika ee xitaa booliska adduunka aysan joojin karin? - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Selección de mensajes para una hermana
200 Frases de Hermanas que le demostrarán tu cariño por ella
Joi Databas
Craigslist Monterrey Ca
Napa Autocare Locator
A.e.a.o.n.m.s
Large storage units
Urban Dictionary Fov
Voyeuragency
Hartford Healthcare Employee Tools
Comics Valley In Hindi
Promiseb Discontinued
Self-Service ATMs: Accessibility, Limits, & Features
Jenna Ortega’s Height, Age, Net Worth & Biography
Ivegore Machete Mutolation
Pirates Of The Caribbean 1 123Movies
Olivia Maeday
Chicago Based Pizza Chain Familiarly
Bay Area Craigslist Cars For Sale By Owner
4 Times Rihanna Showed Solidarity for Social Movements Around the World
Radical Red Ability Pill
Gen 50 Kjv
Craigslist Northern Minnesota
Combies Overlijden no. 02, Stempels: 2 teksten + 1 tag/label & Stansen: 3 tags/labels.
Tottenham Blog Aggregator
Guinness World Record For Longest Imessage
Kristy Ann Spillane
Why comparing against exchange rates from Google is wrong
Ezstub Cross Country
new haven free stuff - craigslist
Solemn Behavior Antonym
Acadis Portal Missouri
That1Iggirl Mega
Kazwire
Culver's of Whitewater, WI - W Main St
Skip The Games Grand Rapids Mi
Gifford Christmas Craft Show 2022
Lbl A-Z
Gasoline Prices At Sam's Club
Hovia reveals top 4 feel-good wallpaper trends for 2024
Alston – Travel guide at Wikivoyage
Satucket Lectionary
Gli italiani buttano sempre più cibo, quasi 7 etti a settimana (a testa)
Walmart Careers Stocker
All Buttons In Blox Fruits
Lightfoot 247
Bismarck Mandan Mugshots
Phunextra
Gummy Bear Hoco Proposal
O'reilly's On Marbach
What Responsibilities Are Listed In Duties 2 3 And 4
La Fitness Oxford Valley Class Schedule
Latest Posts
Article information

Author: Kareem Mueller DO

Last Updated:

Views: 5957

Rating: 4.6 / 5 (46 voted)

Reviews: 93% of readers found this page helpful

Author information

Name: Kareem Mueller DO

Birthday: 1997-01-04

Address: Apt. 156 12935 Runolfsdottir Mission, Greenfort, MN 74384-6749

Phone: +16704982844747

Job: Corporate Administration Planner

Hobby: Mountain biking, Jewelry making, Stone skipping, Lacemaking, Knife making, Scrapbooking, Letterboxing

Introduction: My name is Kareem Mueller DO, I am a vivacious, super, thoughtful, excited, handsome, beautiful, combative person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.